Xoghayaha Guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Dr. Davji Atellah ayaa sheegay in howlwadeennada caafimaadka ay 14 cishe ka dib billaabi doonaan shaqo joojin qaran haddii dowladdu aynan oofin ballanqaadyo ay horay u sameysay.
Waxaa uu dowladda sare iyo ismaamullada ku eedeyay in aynan dhaqangelin heshiisyo ay la saxiixdeen saraakiisha caafimaadka.
Dr. Atellah ayaa hoosta ka xarriiqay in aan la dhaqangelin heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee 2017-2021-kii.
Waxaa uu farriin gaar ah u diray madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei, wasiirka caafimaadka Aadan Barre Ducaale, dhiggiisa maaliyadda John Mbadi, wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha Geoffrey Ruku, dhiggiisa shaqaalaha Alfred Mutua iyo golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dowlad deegaannada ee (CoG).
Xoghayaha Guud ee ururka KMPDU ayaa walaac ka muujiyay in dowladdu ay ku fashilan tahay bixinta lacagaha ismaamullada , in laga dib dhacay isku-duwidda mushaaraadka iyo in aan la bixin lacago is-gaargaaray xilli dhakhaatiirta lala saxiixday heshiiskii horseeday in ay shaqooyinka dib ugu laabtaan 8-dii bishii Shanaad ee May ee sanadkii hore.
Shaqo joojintii qaran ee dhakhaatiirta ee ugu dambeysay ayaa qaadatay 56 cishe waxayna hadda howlwadeennada wacad ku mareen in ay mar kale shaqo joojin guda galayaan haddii aan labo toddobaad lagu fulin dalabaadkooda.