KMPDU oo mar kale shaqo joojin ku hanjabtay

0
227

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirtu dalka ee KMPDU ayaa mar kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in xubnaha ka tirsan ururkan ay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan.
KMPDU ayaa horay u hakisay shaqo joojin u qorsheysnayd ka dib wada hadallo ay la yeelatay golaha hoggaamiyaasha ismaamullada ee COG iyo wasaaradda caafimaadka ee dowladda.
Dowladda ayaa xilligaasi ballan qaaday inay wax ka qaban doonto tabashooyinka howlwadeennada caafimaadka.
Hasa ahaate xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirtu dalka ee KMPDU, Dr. Davji Bhimji Atellah ayaa xusay inay mar kale guda galayaan shaqo joojin ay hakiyeen 6-dii bishan.
Waxay shardi ka dhigayaan in dowladda ay sanad kasta shaqaaleysiiso dhakhaatiir dheeraad ah.
Dr. Davji Bhimji Atellah ayaa intaasi ku daray in Kenya aynan ilaa iyo hadda ku guulaysan hal-beegga ay dejisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ee ah in dhakhtar kasta ay ku soo aadi karaan 1000 qof oo bukaan ah.
Waxaa uu tilmaamay in halkii sarkaal ee caafimaad uu hadda u adeego 17,000 oo bukaan ah.
Dr. Atellah ayaa intaasi ku daray in aan ilaa iyo hadda la dhaqangelin heshiis ku saleysnaa gorgortan dhanka mushaaraadka ah oo la saxiixay sanadkii 2017-kii.