Ururka dhakahaatiirta dalka ee KMPDU ayaa sheegay in howlwadeenadiisa ay labo toddobaad ka dib shaqo joojin ka sameyn doonaan afar ka mid ah ismaamullada wadanka.
Xoghayaha Guud ee KMPDU Dr. Davji Atella, ayaa sheegay in shaqo joojintan ay saameyn doonto ismaamullada kala ah Kajiado , Kilifi , Nakuru iyo Embu.
Waxaa uu sheegay in dowlad deegaannadan aynan ka dhabeyn heshiis la xiriira mushaar kordhin iyo dallacsiin oo ay wada saxiixdeen dhakhaatiirta.
Atella ayaa hoosta ka xarriiqay in afarta ismaamul ay haystaan labo isbuuc oo ay ku xallinayaan tabashooyinka xubnaha ururka KMPDU.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhakhaatiirta marka ay shaqo joojinta billaabaan aynan goobahooda shaqo dib ugu laaban doonin ilaa laga xalliyo waxyaabaha ay tabanayaan.
Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xeerka caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF Act.