KMPDU oo DCI ugu baaqday in ay baarto dhakhtar lagu dilay Nakuru

0
813

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa ku baaqay in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo dilkii loo gaystay Dr. Laban Langat oo ahaa shakhsi soo bartay culuunta caafimaadka oo tijaabo shaqo u joogay isbitaalka wayn ee Nakuru.
Waxaa uu isbitaalka Nakuru PGH ka howlgalayay tan iyo bishii Sideedaad ee sanadkii hore.
Maydka Dr.Langat ayaa subixii Sabtida laga helay afaafka hore ee isbitaalka hooyooyinka iyo dhallaanka ee Margaret Kenyatta .
Xoghayaha Guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ,Dr. Davji Atellah ayaa geerida Dr. Langat ku tilmaamay dharbaaxo wayn oo soo gaartay bahda caafimaadka.
Waxaa uu waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ka codsaday in ay geerida dhakhtarka ku sameyso baaritaano qoto dheer oo degdeg ah.
Bayaanka Dr. Atellah waxaa qayb ka ah inay maamullada qaabilsan baaritaannada ee dalka ka rajeynayaan inay geeddisocodkan dardargeliyaan si ay cadaalad u helaan qoyska uu ka baxay Dr. Langat.
KMPDU ayaa dhanka kale tacsi u dirtay qoyska dhakhtarka waxayna dowladda dhexe ugu baaqday inay qaado tallaabooyin lagu adkeynaya amniga xarumaha caafimaadka.
Dhawaan ayay ahayd markii Titus Ngulungu oo ka mid ah dhakhaatiirta dowladda u qaabilsan baaritaannada lagu sameeyo meydadka uu sheegay in Dr. Langat la ceejiyay taasoo sababtay inuu geeriyoodo.