KMPDU oo amaantay magacaabista Dr Diana Marion ee agaasimaha maamulka SHA

0
363

Ururka ay ku midhaysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa soo dhaweeyay magacaabista Dr Diana Marion oo ah Agaasimaha Waaxda Bixinta iyo Maaraynta Ka Faa’iidaysiga ee Maamulka Caafimaadka Bulshada (SHA).
Bayaan ay soo saartay Sabtidii ayay KMPDU waxaa ay ku tilmaantay magacaabista Dr. Marion inay tahay tallaabo ula kac ah oo waqtigeeda ku habboon oo lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka dalka.
Ururka shaqaalaha ayaa sheegay in booska uu udub dhexaad u yahay hadafka SHA ee isku xirka bixiyeyaasha iyo ka faa’iidaystayaasha iyada oo la horumarinayo waxtarka, helitaanka, iyo ilaalinta maaliyadeed.
Xoghayaha Guud ee KMPDU, Dr. Davji Atellah, ayaa xusay Dr. Marion rikoodhka hoggaaminta, isaga oo tixraacaya adeeggeeda sida ku xigeenka laanta KMPDU ee Koonfurta Rift Valley, wakiilka Lake Basin, iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Caafimaadka Kenya.
Ururka ayaa waxaa kale oo uu ku ammaanay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Aadan Ducaale, hagaajinta qaab dhismeedka Wasaaradda iyo xoojinta daryeelka caafimaadka ee dalka oo dhan.
Tani ayaa waxaa ay timid ka dib markii Guddiga SHA uu ku dhawaaqay magacaabista afar agaasime sare si ay u xoojiyaan hoggaankooda iyadoo ay bilaabayaan gaarsiinta guud ahaan helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh oo la awoodi karo dhammaan Kenyaanka.
Kooxda cusub ayaa waxaa ay ka kooban tahay Diana Marion, oo la wareegaysa Agaasimaha Bixiyaha iyo Maareynta Ka faa’iideystayaasha, Golda Larissa Akolo, Agaasimaha Faa’iidooyinka iyo Maareynta Sheegashada, Maxamad Calio Ibrahim, Agaasimaha Adeegyada Shirkadaha iyo Jonathan Leisen, Agaasimaha lacagta iyo Maamulka Maaliyadda.