KMPDU iyo ururrada bulshada oo ku hanjabay inay dacwad ka gudbinayaan taliyaha guud ee booliiska

0
219

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) iyo qaar ka mid ah ururrada u ololeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqul insaanka ayaa wacad ku maray in ay maxkamadda u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah taliyaha guud ee ciidanka booliiska Kenya Japhet Koome.
Tani ayaa timid ka dib markii uu taliyaha dhaliilay shaqo joojinta iyo mudaaharaadyada saraakiisha caafimaadka.
Koome ayaa dhakhaatiirta ku tilmaamay kuwo dhibaatooyin ku haya shacabka iyo bukaannada.
Waxaa uu saraakiisha ammaanka ku amray in ay si wayn uga falceliyaan dibadbaxyada ay ismaamullada kala duwan ka sameeyaan dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro in ka badan hal bil.
Koome ayaa sheegay in howlwadeennada caafimaadka ay isugu tagaan waddooyinka tani oo carqaladeysay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dhakhaatiirta ay mudaaharaadyo sameeyeen iyagoo aan ku wargelin ciidamada booliiska tani oo liddi ku ah xeerarka dastuuriga ee degsan.
Hasa ahaate waxaa arrinkan durbaba gaashaanka u daruuray Xoghayaha Guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) Dr. Davji Atellah .
Bayaan uu soo saaray Dr. Davji ayuu ku sheegay in hanjabaaddan ay caqabad ku tahay xaqa ay dhakhaatiirta u leeyihiin in ay dibadbaxaan oo ay tabashooyinkooda soo bandhigaan.
Waxaa mowqifka KMPDU taageeray ururka qareennada dalka ee LSK, Katiba Institute, machadka bulsho ee isla xisaabtanka ee The Institute for Social Accountability, guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka , guddiga caalamiga ee xeer yaqaannada ee (ICJ), xarunta maamulka furan ee Afrika iyo kuwo kale.
Hay’adahan ayaa ka soo horjeestay amarka uu Koome siiyay ciidamada booliiska ee ah inay ka falceliyaan dibadbaxyada dhakhaatiirta.
Waxay Koome ka dalbadeen inuu raalli gelin ka bixiyo hadalkii uu jeediyay maadaama ay amarkiisa ku tilmaameen mid sharci darro ah.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii ay taliyaha guud ee booliiska dalka u qabteen ilaa 6-dii maqribnimo si uu uga laabto amarkii uu bixiyay haddii kale in si shakhsi ah loola xisaabtami doono.