Golaha Dhakhaatiirta Caafimaadka iyo Dhakhaatiirta Ilkaha ee (KMPDC) ayaa shaaca ka qaaday in isbitaallada aysan heyn karin meydadka sababo la xiriira kharashaadka caafimaadka oo aan la bixin, iyagoo ku amray xarun caafimaad oo ku taalo magaa;ada Nairobi in inay sii dayso meydka haweeney qoyskeeda lagu leeyahay 1.29 milyan oo shilin.
Warbixin uu soo saaray Talaadada maanta ah ayuu guddiga waxaa uu ku sheegay in ay bilaabeen xog waraysi ay la yeelanayaan Xoghayaha Guud ee Caafimaadka Dadweynaha iyo Heerarka Xirfadlayaasha si loo soo gabagabeeyo ismarin waaga taagan.
Golaha ayaa waxaa ay xuseen in xaqqa sharafta uu leeyahay qofka hitaa markii uu geeriyoodo sida uu digaayo qodobka 28-aad ee dastuurka iyo qodobka 137-aad ee xeerka ciqaabta oo dhigaya in cid kasta oo sifo sharci darro ah u hor istaagta in la aaso maydka qof uu ku kacay fal dambiyeed.