Golaha ay ku midhaysan yihiin dhakhaatiirta (KMPDC) ayaa uga digay milkiilayaasha xarumaha caafimaadka iyo maamulayaasha inay shaqaaleysiyaan dhakhaatiir aan diwaan gashanayn ama aan shati ka haysan KMPC iyagoo sheegay in qofkii lagu helo uu mutaysani karo ganaax lacageed ama xabsi.
Ogeysiis dadweyne oo maanta la soo saaray ayuu Madaxa Fulinta ee KMPDC David Kariuki waxaa uu xasuusiyay hay’adaha daryeelka caafimaadka in ka-qaybgalka shaqaale aan u qalmin ay nolosha bukaannada halis geliso oo ay ku xad gudbeyso Sharciga Dhakhaatiirta Caafimaadka iyo Dhakhaatiirta Ilkaha.
Shakhsiyaadkan ayaa la kulmi doonaa ganaax dhan 5 milyan oo shilinka dalka ah ama shan sano oo xarig ah, ama labadaba.
Goluhu wuxuu sheegay inay sidoo kale dembi ku tahay qof kasta oo mas’uul ka ah hay’ad caafimaad inuu si bareer ah u shaqaaleysiiyo ama u hawlgeliyo dhakhtar aan shati haysan ama aan diiwaangashanayn.
Xaruumaha ayaa sidoo kale loogu baaqay inay KMPDC ku war geliyaan shaqaalaha haatan u shaqeya ee aan diiwaan gashanayn.
KMPDC waxay kaloo xasuusisay hay’adaha in dhakhaatiirta ajnabiga ah loo oggol yahay kaliya inay ka shaqeeyaan meelaha gaarka ah ee lagu tilmaamay shatiyadooda.
Xataa haddii ay horeba shati u haystaan, xarumuhu waa inay ogeysiiyaan golaha ka hor inta aanay hawlgelin khubaro ajaanib ah.
KMPDC ayaa ku nuuxnuuxsatay in baaritaanno ay ka socdaan dalka oo dhan, kuwaasoo lagu bartilmaameedsanayo shaqaalaha gudaha iyo kuwa ajnabiga ah.
Home Wararka Kenya KMPDC oo digniin u dirtay xaruumaha caafimaadka shaqalaysiiya dhakhaatiirta aan haysan shatiyada