Kisumu: Labo qof oo loo xiray xatooyo qalab koronto oo qiimahiisu yahay 3 milyan

0
362

Labo nin oo lala xiriirinayo xatooyada kaabayaasha korontada ee deegaanka Manyatta Kona Maji ee ismaamulka Kisumu ayaa xabsiga la dhigay.
Stephen Bala Magak iyo Frederick Odhiambo Owino ayaa lagu eedeeyay in kaabayaasha tamarta la soo xaday ay ka iibin jireen dadka sida sharci darrada ah u xiriirsada korontada.
Sida laga soo xigtay shirkadda KPLC, qalabka la helay ayaa lagu qiimeeyay 3 milyan oo shillinka dalka ah.
Maamulaha shirkadda ee adeegyada ammaanka korontada, Geoffrey Kigen ayaa xusay in gobolka Galbeedka dalka iyo ismaamulka Kisumu ay ka jireen arrimo dhanka korontada ah oo qaarkood ay ka dhasheen burbur iyo mararka qaar xiriirsimo sharci darro ah.