Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kisii ayaa gacanta ku dhigay shan eedeysanayaal oo lala xiriirinaya inay gudbinayeen 588 kiilogaraam oo ah daroogada nooca xashiishka.
Labo baabuur oo siday maandooriyaha ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Nyamarambe.
Saraakiisha booliiska ayaa qiimaha lacageed ee balwadda ay qabteen ku sheegay 17.6 milyan oo shilin.
Bayaan ka soo baxay adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen saraakiisha booliiska ee Moticho iyo dambi baarayaasha Koonfurta Gucha.