Kirinyaga: Kindiki oo amray in la baaro dhimashada dad isticmaalay khamri

0
219

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa amar ku bixiyay in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo dhacdadii laga soo tabiyay ismaamulka Kirinyaga ee ay toddobaadkan ku nafwaayeen 13 qof oo khamri isticmaalay.
Waxaa sidoo kale dhacdadaasi aragga ku waayay 5 qof oo dheeraad ah.
Wasiirka ayaa maamullada kala duwan ku amray inay si degdeg ah baaritaannada u guda galaan si tallaabo sharciyeed looga qaado cidii arrintan ku lug lahayd.
Dhanka kale wasiirka ayaa amar ku bixiyay in shaqo joojin lagu sameeyo ka dibna la baaro dhammaan saraakiisha ammaanka iyo kuwa maamulka ee aan la dagaallamin isticmaalka khamriga sharci darrada ah ee ismaamulka Kirinyaga.