Kindiki oo shir uga qayb galaya Algeria

0
599

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa ku sugan caasimadda waddanka Algeria ee Algiers.
Waxaa uu isagoo matalaya madaxweyne William Ruto halkaasi uga qayb galaya kal-fadhiga Afaraad ee bandhigga ganacsiga u dhexeeya dalalka qaaradda Afrika ee (IATF2025).
Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof.Kithure Kindiki ayaa gudbin doono farriinta Kenya.
Inta uu ku sugan yahay Algeria , waxaa uu kulamo labo geesood ah la qaadan doonaa madaxda kale.
Kindiki ayaa sidoo kale soo bandhigi doono fursadaha maalgashiga ee ka jiro waddanka ee dhanka wax soo saarka , beeraha, isgaarsiinta, warfaafinta iyo tiknolojiyadda ee ICT-da , tamarta, guriyeynta iyo adeegyada.
Waxaa shirka ka qayb qaadanaya madaxweyneyaal, madaxda ganacsiga iyo xeer dejiyaal si loo adkeeyo isdhexgalka dhaqaale ee Afrika iyadoo loo maraya aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda ee (AfCFTA).
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sii ballaarinta ganacsiga gobolka , in dhallinyarada shaqo abuur loo sameeyo sidoo kalena ganacsiyada Kenya la gaarsiiyo suuqyada qaaradda.
Qorshaha maamulka Kenya Kwanza ayaa ah in Kenya laga dhigo halbowlaha ganacsiga iyo maalgashiga ee Afrika.