Kindiki oo sheegay in maandooriyaha uu khatar ku yahay amniga qaranka

0
171

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in isticmaalka balwadda iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya ay khatar wayn ku yihiin amniga dalka.
Kindiki oo ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Mombasa oo looga hadlayay wax ka qabashada saameynta isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha ee gobolka Xeebta ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan keliya waxyeello soo gaarin caafimaadka bulshada balse sidoo kale nabad galyada iyo xasiloonida wadanka.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay dadka sameeya maandooriyaha , kuwa gudbiya , kuwa sii qaybiya iyo shakhsiyaadka iibiya ay dhammaantood u aqoonsan tahay cadowga dalka iyo inay ku lug leeyihiin fal dambiyeed abaabulan.
Waxaa uu tilmaamay in shakhsiyaadkan ay la mid yihiin argagixisada, burcadda iyo kooxaha kale ee gaysta falal dambiyeedyada sidaasi awgeedna isku si loola dagaallami doono.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka ayaa sheegay in sarkaal kasta oo ka gaabiyo waajibaadka ka saaran la tacaalidda muqaadaraadka in si degdeg ah shaqada looga joojin doono kadibna maxkamad la soo taagaya.
Kindiki ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay abaal marin doonto saraakiisha amniga iyo kuwa maamulka ee shaaca ka qaada sidoo kalena gacanta ku dhiga dadka ka ganacsado maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.
Abaal marinta ayuu ku sheegay in la dallacsiinaya howlwadeennadan sidoo kalena ay helayaan billad sharafeed heer qaran ah.