Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladdu ay kordhisay miisaaniyadda guddiga bixiya amaahda lacageed ee tacliinta sare ee HELB.
Waxaa uu sheegay in miisaaniyadda guddigan lagu kordhiyay 5 bilyan oo shilin.
Kindiki ayaa xusay in dhaqaalaha la siiyo guddigan uu horay ahaa 36 bilyan oo shilin balse laga dhigay 41 bilyan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in arrintan looga gol-leeyahay taageeridda ardayda ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Bariga ismaamulka Laikipia ayuu ku celceliyay in dowladdu ay ka go’an tahay in dhammaan ardayda kenyaanka ah ay helaan tacliin tayo leh oo qiimo ahaan la awoodi karo.