Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa war ka soo saaray dhacdooyin laga soo tabiyay ismaamullada Uasin Gishu iyo Mombasa.
Waxaa uu geeri naxdin leh ku tilmaamay in shan arday ah ay ku dhinteen doon kula gadoontay Ainabkoi halka ilaa afar qof la xaqiijiyay inay ku nafwaayeen god ay ka soo saarayeen carrada guriyaha lagu dhiso oo ku dumay Kiembeni oo ka tirsan Mombasa.
Kindiki ayaa sheegay in warbixinnada horudhaca ah ay muujinayaan inay jirtay habacsanaan dhanka la tacaalidda falal dambiyeedyada ah iyo in aan la tixgelin nidaamyada badqabka dadweynaha.
Waxaa uu xusay in cid kasta oo ardayda geysay meel ay ku damaashaadaan , kuwa ka ganacsado doomaha khatarta ah iyo milkiilayaasha meelaha laga soo saaro waxyaabaha guriyaha lagu dhiso ay qasab tahay inay ka jawaabaan dhacdooyinka ay dadka ku nafwaayeen.
Waxaa uu tacsi u diray qoysaska iyo ehellada murugeysan ee ay falalkan saameeyeen.
Home Wararka Kenya Kindiki oo sheegay in la iskula xisaabtami doono dhimashooyin ka dhacay Mombasa...