Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in Kenya ay gaari karto heer dal horumaray muddo hal jiil gudihiis ah haddii dalka uu si joogto ah diiradda u saaro horumar ku saleysan dadka, tiknoolajiyadda iyo iskaashi istiraatiiji ah. Isagoo ka hadlayay Madasha 14-aad ee Wada-howlgalayaasha Horumarka 2026 ee ka dhacday magaalada Nairobi, ayuu carabka ku adkeeyay in himiladan ay tahay mid la gaari karo, isagoo tusaale u soo qaatay dalal sida Kuuriyada Koonfureed, Malaysia iyo Singapore oo muddo kooban ku sameeyay isbeddel la mid ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Ajendaha Isbeddelka Dhaqaalaha ee Hoose ee (BETA) uu weli yahay istaraatiijiyadda ugu weyn ee horumarka dowladda, kuna dhisan saddex tiir oo kala ah dadka, iskaashiga iyo tiknoolajiyadda. Sida uu sheegay, horumarka dhabta ah waxaa uu imanayaa marka dadka lagu saleeyo qorsheynta, lana adeegsado tiknoolajiyad casri ah iyo wada shaqeyn gudaha iyo dibaddaba ah.
Prof. Kindiki ayaa beeraha ku tilmaamay waddada ugu dhaqsaha badan ee malaayiin Kenyaan ah looga saari karo saboolnimada, isagoo xusay maalgelin ballaaran oo lagu sameynayo waraabka, keydinta biyaha iyo kaabayaasha beeraha. Waxaa kaloo uu adkeeyay in casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, dekedaha, tareennada iyo tamarta ay si toos ah u abuuraan shaqooyin una dardargeliyaan warshadaha.
Dhanka mustaqbalka fog, ku xigeenka hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay horumar laga sameeyay dhismaha Sanduuqa Hantida Qaranka, kordhinta maalgelinta cilmi baarista ilaa boqolkiiba laba ee wax soo saarka gudaha ee GDP-ga, iyo muhiimadda amniga, sharciga iyo midnimada qaranka. Waxaa uu sheegay in barnaamijyada horumarinta, oo ay ku jirto hindisaha lacag siinta dhallinyarada ee NYOTA, lagu waafajin doono BETA si isbeddelka dhaqaale ee dalka uu u noqdo mid degdeg ah oo waara.




