Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in ciidamada difaaca ee (KDF) iyo saraakiisha adeegga qaran ee booliiska ee NPS ay guulo ka soo hooyeen howlgallada amni ee ka dhanka ah burcadda Waqooyiga gobolka Rift Valley.
Waxaa uu sheegay in saraakiisha ay si dhow oo habsami leh uga wada shaqeynayaan cirib tirka kooxaha gaysta dilalka iyo dhaca xoolaha.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu booqday xarunta taliska iskudhafka ah ee degmada Chemolingot ee deegaan baarlamaneedka Tiaty oo ka tirsan ismaamulka Baringo.
Wasiir Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in ciidamada ay aaggaasi si joogto ah ugu sugnaan doonaan xita ka dib marka howlgalka amni ee hadda socdo la soo gabagabeeyo.
Kindiki ayaa intaasi ku daray in isaga iyo dhigiisa difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale ay ku heshiiyeen in laga faa’iidaysto qalabka gaarka ah iyo khibradda ciidamada militariga si nabad waarta loogu soo dabbaalo waqooyiga Rift Valley.
Wasiirka ayaa xusay in kastoo militariga uu xeer ahaan qaabilsan yahay inuu dalka ka difaaco weerarrada dibadda haddana marka loo baahdo in sharciga uu u oggol yahay inay caawiyaan ciidamada kale ee amniga.
Waxaa uu dhanka kale digniin adag u diray kooxaha weli ku harsan Rift Valley ee dhibaatooyinka gaysanaya isagoo u sheegay in waqtigooda uu soo dhammaaday oo ay dowladdu ula tacaali doonto si arxaan darra ah.
Wasiirka ayaa hoggaamiyaasha ismaamullada Waqooyiga Rift Valley gaar ahaan Baringo iyo West Pokot ka codsaday inay iska kaashadaan sidii loo hirgelin lahaa mashaariic horumarineed oo ay dugsiyo ka mid yihiin si loo joogteeyo xasiloonida.
Sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday qorsho ilaa shan dugsi looga dhisaya Kerio Valley si carruurta ka soo jeedo Pokot iyo Marakwet ay u helaan fursad waxbarasho.