DHEGEYSO:Kindiki oo sheegay in dowladda ay tallabo ka qaadi doonto qaban qaabayaasha mudaharaadyadii Arbacada

0
447

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa mar kale wacad ku maray in tallaabo adag laga qaadi doono qorshayaashii iyo kuwii ka dambeeyay qalalaasaha ka dhacay dalka Arbacadii, taasi oo keentay in ganacsatada ay xisaabiyaan khasaaraha gaarayo boqolaal milyan oo shillin. Isagoo ka hadlayay Kitui Sabtidii shalay, Kindiki ayaa waxaa uu sheegay in iyada oo dowladda ay ixtiraamayso xaqa dibadbaxa, aysan oggolaan doonin in lagu xad-gudbo xuquuqaha kale sida burburinta hantida.
Dhanka kale hoggaamiyayaasha xulafada la ah madaxweyne William Ruto ayaa ku baaqay in dhallinyaradda ay ka waantoobaan dadka ka faa’iidaysanaayo fikradahoo wanaagsan oo ay dalka xal ugu raadinayaan.