Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof.Kithure Kindiki ayaa shaaciyay in 19.5 milyan oo qof oo kenyaan ah ay ku biireen barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Waxaa uu xusay in dhammaan dadkan ay hadda helaan daryeel caafimaad oo aasaasi oo lacag la’aan ah.
Arrintan ayuu ka sheegay hooygiisa xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi oo maanta lagu qabtay shirkii ugu horreeyay ee arrimaha caafimaadka ee sanadkan.
Kindiki ayaa xusay in kastoo horumar lagu tallaabsaday, haddana in ay jiraan waxyaabo badan oo loo baahan yahay in la fuliyo.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa dhanka kale dadweynaha u xaqiijiyay in dowladdu ay ku dadaalaysa in aan la carqaladeyn bixinta adeegyada caafimaadka ka dib markii ay dhawaan isbeddello ku yimaadeen xeerarka maalgelinta barnaamijyada ee saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka sida Maraykanka.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu muddo 90 cishe ah si ku meel gaar ah u hakiyay dhammaan barnaamijyadii caawimaadda dibadeed ee Maraykanka waxaana taasi ka dhalatay saameyn meelaha laga dareemay ay Kenya ka mid tahay.
Home Wararka Kenya Kindiki oo sheegay in 19.5 milyan oo kenyaan ah laga diiwaangeliyay barnaamijka...