Kindiki oo ka hadlay ujeeddada laga leeyahay howlgallada amni

0
231

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in ujeeddada ay dowladdu ka leedahay howlgallada amni ee ka socdo Waqooyiga Rift Valley, Bariga dalka, Waqooyi Bari iyo Xeebta ay tahay in la joojiyo isticmaalka hubka , in dib loo soo celiyo nidaamka kala dambeynta sidoo kalena shacabka loo xaqiijiyo badqabkooda.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in ka dib marka la cirib tiro kooxaha gaysta falal dambiyeedyada sidoo kalena la soo afjaro hubka sharci darrada ee ku jira gacanta shacabka in gobolladan laga fulin doono barnaamijyo horumarineed.
Barnaamijyadan ayuu ku sheegay kuwo dhanka kaabayaasha ah , wax soo saarka beeraha iyo waxbarashada.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka ayaa sheegay in dhinacyadan ay tiir muhiim ah u yihiin kobaca dhaqaale iyo baraaraha wadanka.