Kindiki oo amray in saraakiisha ammaanka aynan hal meel ka howgeli karin wax ka badan 3 sano

0
170

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa amray in la dhaqangeliyo xeerka ah in saraakiisha booliiska aynan saddex sano ka badan ka howlgeli karin hal saldhig.
Waxaa uu xusay in laga billaabo saaka , dhammaan saraakiisha booliiska ee wax ka badan 3 sano hal saldhig ka shaqeynayay loo wareejin doono goobo kale.
Waxaa uu xusay in tani ay xoojinaysa adeegyada loo fidiyo shacabka iyo ka hor tagga in sarkaalka uu xoogga saaro fulinta danihiisa gaarka ah isagoo ka faa’iidaysanaya xilka uu bulshada u hayo.
Sidoo kale waxaa uu saraakiisha ammaanka xusuusiyay in aynan marnaba ku lug lahaan karin arrimo siyaasadeed.
Wasiirka ayaa dhanka kale saaka kulan la qaatay saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Murang’a oo uu hor kacayay guddoomiyaha dowladda dhexe halkaasi ku matalo Joshua Nkanatha .
Waxay wasiirka warbixin ka siiyeen howlgalka socdo ee ka dhanka ah soo saaridda, iibinta iyo isticmaalka maandooriyaha.