Kindiki oo amray in la xiro goobo dahabka laga soo saaro oo ku yaalla Moyale

0
232

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa amar ku bixiyay in la xiro goobaha laga soo saaro macdanta sida dahabka ee ku yaalla Dabel oo ka tirsan degmada Golbo ee Moyale ee ismaamulka Marsabit .
Tani ayaa timid ka dib markii iskudhacyo u dhexeeya kooxo iska soo horjeeda oo halkaasi laga soo tabiyey ay ku dhinteen 7 qof.
Kindiki ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay wargelin ah in goobahan loo aqoonsaday kuwo khatar ah isagoona dadka halkaasi deggan ku amray in ay ka guuraan.
Waxaa uu sheegay in aan goobahaasi lagu arki karin qof aan fasax qoraal oo rasmi ah ka haysan taliyaha booliiska ee ismaamulka Marsabit.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa baaritaano ku sameynaysa dilalkii maalmo ka hor aaggaasi loogu gaystay 7 qof oo 2 ka mid ah ay ajaaniib ahaayeen iyo falal isugu jiro kufsi , faraxumeyn iyo tacaddi kale oo jinsiyadeed oo halkaasi laga soo tabiyay.