Kimani Ichung’wah oo doonaya in meesha laga saaro xuska maalinka dhaqanka

0
232

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro dabbaal degga maalinta dhaqanka ee dalka.
Xuskan ayaa la qabtaa 10-ka bisha Tobnaad ee sanad kasta.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii golaha wasiirrada ee dalka uu dabbaal deggii hore ee Moi Day uu ku beddelay Huduma Day ka hor inta aan xuskan laga dhigin maalinka qaran ee dhaqanka ee Utamaduni Day.