Kilifi oo laga qaybiyay in ka badan hal milyan oo maro-kaneeco ah

0
252

Waxaa ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta lagu qaybiyay ugu yaraan hal milyan oo maro-kaneeco ah.
Tani ayaa qayb ka ah Barnaamijka qaran ee xakameynta cudurka duumada ee ay taabbagelinaysa Global Fund .
Waxaa uu qorshuhu yahay in barnaamijkan lagu qaybiyo ilaa
10.9 milyan oo maro-kaneeco ah 18 ka mid ah ismaamullada dalka.
Agabkan laga gaarsiiyay Kilifi ayaa waxaa si wadajir ah u daahfuray madaxa fulinta ee maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee (KEMSA) Dr. Andrew Mulwa iyo barasaabka ismaamulkaasi Gideon Mung’aro .
Guddoomiyaha ayaa KEMSA uga mahadceliyay taageeridda .