Kilifi: Nin faraxumeeyay labo wiil oo carruur ah oo lagu xukumay xabsi daa’in

0
434

Maxkamad ku taalla ismaamulka Kilifi ayaa xabsi daa’in ku xukuntay ama inuu bixiyo lacag dhan 90 milyan oo shilin nin lagu helay dambi ah in 10 mar uu faraxumeyn u gaystay carruur aan qaangaarin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu sidoo kale uu muqaallo anshax xumo ah ka duubay carruurtan kuwaas oo wiilal ah.
Garsooraha maxkamadda Kilifi Ivy D. Wasike ayaa Patrick Mbauni Muriithi ku heshay dambiga ah inuu faraxumeeyay labo carruur ah oo wiilal oo ay da’adoodu tahay kow iyo toban sano jir, islamarkaana muuqaallo anshax xumo ah ka duubay.
Falalkan ayuu gaystay intii u dhexeysay bilihii Siddeedaad ee sanadkii 2022-kii iyo Kowaad ee 2023-kii.
Waxaa uu dambiyadan ka gaystay xaafadda Kisumu Ndogo ee deegaanka Malindi, ee ismaamulka Kilifi.