Kiis hadal nacayb ah oo ka dhan ah xildhibaan Peter Salasya oo loo gudbiyay guddiga NCIC

0
538

Maxkamadda hoose ayaa amartay in kiiska hadalka naceybka ah ee ka dhanka ah xildhibaanka Bariga Mumias Peter Salasya in loo gudbiyo Guddiga Qaran ee Wadajirka iyo Isdhexgalka (NCIC) si ay dib u eegis iyo talooyin uga soo jeediyaan.
Talaabadan ayaa daba socota codsi ay soo gudbisay dacwad oogaha dowladda Virginia Kariuki oo ka timid xafiiska agaasimaha dacwad oogista (ODPP), oo ka codsatay maxkamadda in ay u ogolaato Guddiga in uu qiimeeyo arrinta ka hor inta aysan go’aamin talaabooyinka xiga.
Garsooraha maxkamadda Paul Mutai ayaa su’aal galiyay in u gudbinta NCIC ay abuuri karto hanaan barbar socda kan maxkamadda.
Xeer ilaalinta ayaa jawaabteeda waxaa ay ku sharaxday in ku lug lahaanshaha NCIC ay ku koobnaan doonto qiimaynta kiiska iyo la talinta xafiiska DPP-ga, halkii ay go’aamin lahayd dambi ama dambi la’aan.
Garsooraha ayaa waxaa uu sii waydiiyay sababta NCIC ay ugu howl gali wayday kiiska kahor intaan Salasya dacwad lagu soo oogin.
Virginia ayaa waxaa ay ku adkaysatay in iyadhoo xafiiska DPP-ga iyo guddiga NCIC ay si madax banaan u shaqeeyaan, ay mararka qaar iska kaashadaan kiisaska gaar ahaan kuwa la xiriira hadalada nacaybka iyo wada jirka qaranka.
Garsooraha maxkamadda Mutai ayaa ku booriyay xeer ilaalinta inay xaqiijiso in dhammaan talaabooyinka habraaca la qaaday ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin dadka lagu eedeeyay arrimahan oo kale.
Maxkamadda ayaa waxaa ay ogolaatay codsiga iyadhoo go’aamisay kiiska in la xuso 11-ka November ee 2025, si loo helo cusboonaysiinta natiijooyinka NCIC. Haddii wax horumar ah la waayo markaas, arrintan ayaa waxaa ay u gudbi doontaa dhegeysiga buuxa ee maxkamadda.
Xildhibaan Salasya ayaa lagu soo oogay dacwad 19-kii May ee sanadkan isagoo lagu eedeeyay in uu sameeyay hadalo dhiirri galinaya hadalka nacaybka ee baraha bulshada oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha beel gaar ah.