Koox khuburro ah oo ka socdo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO kuna sugan dalka Shiinaha ayaa tagay isbitaalkii lagu daaweeyay dadkii ugu horreeyay ee uu soo ritay cudurka COVID-19.
Waxay kooxdan waddaa baaritaan lagu ogaanaya halka uu ka soo billowday cudurka.
Maanta ayay tageen isbitaalkan oo ku yaalla magaalada Wuhan ka dib markii ay la kulmeen sayaansiyahaanno ka soo jeedo Shiinaha.
Peter Daszak oo xubin ka ah guddigan ayaa sheegay in ay tageen goobtii ugu muhiimsanayd oo ay la kulmayaan sidoo kalena wareysanayaan dhakhaatiirtii ugu horreysay ee cudurka la tacaasho dabayaaqadii sanadkii 2019-kii.