KHRC oo dalbanaysa in la raalli geliyo dadkii ay waxyeellada ka soo gaartay guumaysigii Ingiriiska

0
213

Guddiga arrimaha xuquuqul aadanaha ee dalka ee (KHRC) ayaa dalbanaya in marka uu boqorka Ingiriiska King Charles III wadanka yimaado Talaadada soo socoto inuu raalli geliyo dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay guumaysigii Ingiriiska.
Guddigan ayaa doonaya in boqorka uu caddeeyo inuu ka xun yahay oo uu raalli gelin ka bixinaya xadgudubyadii taariikhiga ahaa ee xilligaasi dhacay sida kuwa dhanka dhulalka ah.
Xubnaha guddigan oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in sanadkii 1952-dii oo ay jirtay xaalad degdeg ah in kenyaanka ay wajaheen gabood-fallo aan la qiyaasi karin.
KHRC ayaa intaasi ku dartay intii u dhexeysay 1895 ilaa 1963-dii in maamulkii guumaystaha ee Ingiriiska uu la wareegay dhulal badan sidoo kalena soo saaray xeerar lagu caburinayay Afrikaanka.
Waxay intaasi ku dareen in saameynta ba’an ee ka dhalatay maamulkaasi in ilaa iyo hadda la dareemaya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay dhanka kale Britain iyo Kenya iska kaashanayaan arrimaha ganacsiga iyo la dagaalanka argagixisada.
Waxaa uu qorshuhu yahay in boqor Charles uu muujiyo sida ay uga go’an tahay inuu Kenya kala shaqeeyo badbaadinta deegaanka.