Khilaaf culus oo soo kala dhex galay madaxda ugu sarreysa maamulka Hirshabeelle

0
383

Ila wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmad Hagar Dabageed uu soo kala dhex galay khilaaf culus oo salka ku haya qaabka loo maamulayo doorashada 11-ka kursi oo taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wararaka la helaayo ayaa intaasi ku daraya in khilaafka Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed uu ka dhashay is fahan la xiriira hab maamulka doorashada 11-ka kursi oo horay jadwalkooda loo shaaciyay, islamarkaana shalay lagu waday in la diiwaangeliyo Musharraxiinta ku tartameysa kuraastaasi oo dib u dhac ku yimid.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la sheegayaa inuu doonayo in kuraasta harsan ee Beledweyne taalla doorashadooda la furo, halka Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed uu isna doonayo in kuraasta harsan qaarkood in loo xiro musharraxiin gaar ah.
Waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in khilaafka labada mas’uul soo kala dhex galay inuu sameyn ku yeeshay guddiga doorashada Hirshabeelle oo la sheegay inay la kala safteen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay haatan sheegayaan in hoolka doorashada ay xirteen ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed.
11-ka kursi ee sababay khilaafka xooggan ee soo kala dhex galay madaxda ugu sarreysa Hirshabeelle ayaa ah kuraas ay ku fadhiyaan shaqsiyaad miisaan sare ku leh siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo waqtigaan ciidamo farabadan ku dhex haysta gudaha magaalada Beledweyne.
Khilaafka labadaan mas’uul ayaa noqon kara mid saameyn adag ku yeelan kara dhameystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, xilli muddada loo qabtay dhameystirka doorashada ay ka harsan tahay sideed cisho oo kaliya.