Qarax jugtiisa laga maqlay meelo ka mid a magaalada muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Yardameeli ee degmada Xamar Jajab, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ku qarxay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Mooto Bajaaj ku waday qaraxa, waxaana ku dhintay Saddex kamid ah halka Hal Ruux oo shacab a uu ku dhaawacmay.
Qoraalka booliiska waxaa ku cad in qaraxa uu dhacay abaare 7:30 subaxnimo ee saaka.