Milkiilayaasha meheradaha ganacsi ee ku yaala bartamaha magaalada Nairobi ayaa la murugoonaya mudaaharaadyadii khamiistii dhacay waxayna tirinayaan khasaara lixaad leh oo ka dhashay dibadbaxyadii isku badeley rabshadaha kaasi oo gilgilay magaalada caasimada ah .
Booliiska ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaanno ay ku ogaanayaan burcadda lagu arkay muuqaalada iyagoo hanti burburinaya.
Hanti badan oo ay ku jiraan dukaamo ayaa la burburiyay.
Ciidamada dambi baarista ee dalka ayaa tagay goobaha ay dhibaatooyiika ka dhaceen ee bartamaha magaala maaxda dalka iyagoo halkaas ka soo aruuriyay cadeymo.
Dibadbaxayaasha ayaa caadaalad u raadinayay Albert Ojwang oo ku dhintay gacanta Booliska.