Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay Shil ka dhacay deegaanka Chuka

0
447

Wararka ayaa waxay sheegaya inuu hal macalin oo wax ka barayay dugsiga hoose dhexe ee Kianjeru uu geeriyooday ka dib markii bas uu iskoolkaasi leeyahay ayna la socdeen macalimiin iyo arday uu shil ku galay deegaanka Chuka oo ku yaala dhanka bari ee Mount Kenya aroornimadii hore ee isniinta maanta ah.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii darawalkii baska waday oo doonayay inuu carruurta soo qaado uu horay u sii qaaday ardayda kale oo dhiganayay dugsi sare oo magaalada Chuka ku yaala.
Shilka ayaa ka dhacay aagga Kangoro, sida laga soo xigtay ilo wareedyada deegaanka.
Alex Mugambi, oo ah madaxa kooxda gurmadka deg dega ee gobolka, ayaa warbaahinta u sheegay in lagu wargaliyay shilkaan abaare 5.50 ee subaxnimadii maanta.
Darawalka ayaa u muuqday inuu gaariga Xakamayn waayay ka hor inta uusan wadada ka bixin kadibna uusan ku dhicin Meel hoose oo dagaan dag ah sida ay Goobjoogayaal sheegeen.
Dhowr arday oo shilkaas ku dhaawacmay ayaa hadda waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magaalada Chuka,Darawalkii Baska oo lugta wax ka gaareen ayay wararku sheegayaan in isbitaalka laga saaray isaga iyo dhowr arday ah kadib markii la daaweeyay.