Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen roobabka culus oo ka da’ay dalka Shiinaha halka 27 kalena la la’yahay.
Saameynta ugu wayn ee daadadka ka dhashay roobabka ayaa soo gaartay caasimadda wadankaasi ee Beijing.
Heerka roobabka da’ay oo lagu qiyaasay 744.8 milimitir ayaa ah midkii ugu sarreeyay ee la diiwaangeliyo muddo ku dhawaad 140 sano ah laga soo billaabo sanadkii 1891-dii sida laga soo xigtay waaxda saadaasha hawada ee Beijing.
Roobabka oo da’ayay 40 saacadood ayaa ahaa ku dhawaad iskucelcelis ahaan roobkii da’ay bishii hore ee July.
Marka laga soo tago fatahaadaha ka dhashay roobabka waxaa sidoo kale dalkaasi saameyn ku yeelatay duufaanta Doksuri.
Waxaa maanta magaalada Zhuozhou oo 60 kiilomitir dhanka Koonfurta Galbeed uga beegan Beijing laga howlgeliyay kumanaan ka mid ah saraakiisha samatabixinta.