Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan weerar ay dowladda Ruushka ka gaysatay magaalada Lviv ee ku taalla galbeedka dalka Ukraine.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine, Ihor Klymenko ayaa sheegay in dhimashadu ay sii korortay oo ay hadda tahay 4 qof.
Wasiirka ayaa xusay in falkaasi ay ku dhaawacmeen 9 ruux oo dheeraad ah.
Duqa magaalada Lviv ,Andriy Sadovyi ayaa dhankiisa sheegay in aagga la bartilmaameedsaday lagu burburiyay 60 guri iyo 50 baabuur.
Sadovyi ayaa laga soo xigtay in weerarkan uu ahaa midkii ugu waynaa ee lala eegtay kaabayaasha dadweynaha ee magaaladaasi tan iyo markii uu duullaanka militari ee Ruushka ee gudaha Ukraine billowday sanadkii hore.
Boqolaal kun oo ka mid ah shacabka Ukraine ee ka soo cararay deegaannada kale ayay hooy u ahayd magaalada Lviv.
Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa weerarkaasi si kulul ugu cambaareeyay baraha bulshada.
Waxaa uu tacsi u diray ehellada dadka la dilay.
Sidoo kale waxaa uu ballan qaaday in falkaasi si adag looga falcelin doono.