Khasaaraha ka dhashay duufaantii Malawi iyo Mozambique oo kordhay

0
321

Waxaa sii kordhay khasaaraha nafeed ee ka dhashay duufaanta Freddy ee ku dhufatay dalalka Malawi iyo Mozambique.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen in ka badan 70 qof.
Hay’adda laanqayrta cas ayaa laga soo xigtay in meydad kor u dhaafaya 60 lagu arkay Koonfurta Malawi hallkaasi oo roobab culus oo ka da’ay ay sababeen daadad.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in 93 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen gudaha wadankaasi iyadoo 16 weli la la’yahay.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa xaalad degdeg ah uga dhawaaqay Koonfurta wadankaasi waxaana weli socdo howlaha samatabixinta.