Waxaa lagu soo warramayaa in dalka Tanzania laga dareemaya gaabad dhanka khadka ama intarneetka ah.
Tani ayaa qayb ka ah tallaabooyinka ay dowladda Tanzania kula tacaalaysa dibadbaxyada ay shacabka ku dalbanayaan doorasho xor ah.
Shalay ayay ahayd markii ay Tanzania ka qabsoontay doorasho uu guddiga doorashooyinka shaaciyey in codadka la tiriyey ay weli ku horreysa madaxweyne Samia Suluhu Xasan in kastoo loollanka laga mamnuucay musharraxiintii ugu cadcadaa ee mucaaradka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in booliiska Tanzania ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen dad dafiray bandow shalay la soo rogay.
Hay’adaha u ololeeya maamul wanaagga , dimuqraadiyadda iyo baniaadannimada ayaa walaac ka muujinaya xaaladda Tanzania waxayna dalbanayaan in dowladda dalkaasi ay xaqiijiso in codeynta ay noqoto mid cadaalad ah.
Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xasan ayay ku eedeynayaan in ay adeegsanaysa nidaam keli talisnimo ah.
 
                
