Keynan iyo Aden Daa’uud oo NCIC ugu baaqay in ay tallaabo ka qaaddo hadallada Gachagua

0
384

Xildhibaannada Adan Keynan ee deegaanka Celdaas iyo dhigiisa Adan Daa’uud Maxammed ee bariga Wajeer ayaa si wadajir ah u cambaareeyay hadallada uu jeediyay hoggaamiyaha xisbiga Democracy for the Citizens Party (DCP), Rigathi Gachagua, ee uu ku xiray ganacsiyada ku yaalla xaafadda Islii, gaar ahaan Suuqa BBS Mall, eedeymo la xiriira khiyaano dhaqaale oo ka dhacday gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Keynan ayaa ugu baaqay Guddiga Qaran ee Isdhexgalka iyo Midnimada (NCIC) in ay baaraan hadallada Gachagua isla markaana ay qaadaan tallaabo sharci ah haddii loo baahdo, isagoo ku eedeeyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka faafinta hadallo been abuur ah, gef ah oo kicinaya dareen qabiil. Waxaa uu sheegay in eedeymaha la jeediyay ay yihiin kuwo si ula kac ah dadweynaha loogu marin habaabinayo isla markaana halis gelinaya midnimada qaranka.
Xildhibaanka Celdas ayaa caddeeyay in BBS Mall lagu dhisay dhul si sharci ah loo iibsaday sanadkii 2009-kii, halkaas oo markii hore uu ku dhisnaa Comesa Mall, ka hor inta aan dib loo horumarin mashruuca oo bilowday 2018-kii lana dhammeeyay 2022-kii. Sida uu sheegay, isku xirka mall-ka iyo eedeymo la sheegay inay dhaceen intii u dhexeysay 2022-kii ilaa 2025-kii waa mid aan waaqici ahayn oo aan sal lahayn. Waxaa uu intaas ku daray in mashruuca lagu maalgeliyay maalgelin gaar loo leeyahay iyo nidaamyo bangiyo oo la hubin karo.
Dhankiisa, xildhibaan Adan Daa’uud Maxammed ayaa isna si adag u dhaliilay hadallada Gachagua, isagoo ku tilmaamay kuwo aan caddayn ku dhisnayn isla markaana u muuqda takoor qabiil oo si gaar ah u bartilmaameedsanaya bulshada Soomaaliyeed. Waxaa uu ka digay in hadallada noocaas ah ay khatar ku yihiin wada noolaanshaha iyo midnimada qaranka.
Adan Daa’uud ayaa xusay in hadalladan ay la jaanqaadayaan dhaqan hore oo Gachagua lagu yaqaanay, kaas oo horseeday in xilka madaxweyne ku xigeenka laga qaado bishii Oktoobar 2024-kii, sababo la xiriira ku xadgudubyo dastuurka ah, kicin qabiil iyo hadallo wax u dhimaya isdhexgalka bulshada. Waxaa uu sidoo kale xusuusiyay doorkii muranka dhaliyay ee Gachagua uu ku lahaa aragtidii uu dowladda ugu ekaysiiyay shirkad saamiyo lagu qeybsado, taas oo si weyn u dhaawacday midnimada dalka una baalmartay sharciga NCIC.
Labada xildhibaan ayaa si gaar ah u difaacay sumcadda milkiilaha BBS Mall, iyagoo ku tilmaamay ganacsade si weyn loo ixtiraamo oo muddo dheer ka shaqeynayay Islii, isla markaana aan waligiis lagu xirin fal dambiyeed. Waxaa ay ku adkeeyeen in eedeymaha noocaas ah ay yihiin sumcad dil iyo siyaasad ku dhisan eedeyn, taas oo halis ku ah nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Gachagua, intii uu weerar afka ah ku hayay Madaxweyne William Ruto iyo xukuumaddiisa, uu ku eedeeyay dowladda inay ilaalinayso dad uu ku tilmaamay inay ku lug leeyihiin daroogo iyo khiyaano dhaqaale, isla markaana uu mar kale soo nooleeyay doodda la xiriirta fadeexadda Minnesota. Waxaa uu sidoo kale ku dooday in shaqsiyaad la xiriira arrintaas ay weli helayaan qandaraasyo dowladeed, taas oo, sida uu sheegay, waxyeello u geysaneysa danaha beeraleyda iyo dhaqaalaha gudaha.
Xildhibaannada ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay muujiyaan mas’uuliyad, kana fogaadaan hadallo kicinaya nacayb iyo kala qeybin bulsho, iyagoo dalbaday in hay’adaha ay khusayso ay si dhow ula socdaan una wajahaan hadal kasta oo khatar ku ah nabadda, xasilloonida iyo midnimada dalka.