Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa Arbacada maanta ah mar kale u magacaabay afar wasiir iyo xoghayeyaal wasaarado kaas oo qeyb ka ah isbedel uu ku sameeyay golihiisa wasiirada.
Amb. Dr. Monica Juma ayaa waxay u wareegtay Wasaaradda Tamarta kana soo tagtay mida Difaaca, halkaas oo lagu beddelay Eugene Wamalwa oo isna laga wareejiyay dawlad wadaajinta.
Charles Keter ayaa hadda qaban doona wasaaradda dawlad wadaajinta isaga oo baneenaya tan tamarta.
Prof. Margaret Kobia ayaa madax ka noqon doonta Wasaaradda dibka loo dhisay ee Adeegga Dadweynaha, Jinsiga, Arrimaha dadka waaweyn iyo Barnaamijyada Gaarka ah.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale isbedel ku sameeyay xoghayaasha wasaaradaha, oo uu ka mid yahay Maj. Gen. Rtd Gordon Kihalangwa oo qabanaya xoghayaha wasaaradda Tamarta isaga oo laga soo wareejiyay Howlaha Guud.
Dr. Eng. Joseph Njoroge wuxuu qabanaya Waaxda qaran ee Gaadiidka isagoo ka soo tagaya tan Tamarta; halka Solomon Kitungu uu xoghaye ka noqon doona Waaxda Arrimaha Dibedda ee Hawlaha Guud lagana soo wareejiyay tan Gaadiidka.
Nelson Marwa wuxuu ka tegayaa Waaxda qaran ee Ilaalinta Bulshada kuna wareegaya tan Ilaalinta Bulshada, Arrimaha dadka waaweyn & Barnaamijyada Gaarka ah.