Kenyaanka u safraya DRC oo aan looga baahnayn dal ku gal

0
280

Shacabka kenyaanka ah ee doonaya inay safar ku tagaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC ayaan lagu xiri doonin dal ku galka ama fiisaha wadankaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii ay dowladda Congo meesha ka saartay shardigan oo ay xustay inuu dhaqan galay laga soo billaabo 1-dii bishan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii dowladda Kenya ay qaadday tallaabo tani la mid ah.
Agaasimaha Guud ee waaxda socdaalka ee DRC, Roland Kashwantale Chihoza ayaa bayaan ku sheegay in labada dowladood ay ku heshiiyeen in meesha laga saaro xayiraadaha dal ku galka si loo xoojiyo ganacsiga iyo isdhexgalka jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Sanadkii hore ayay Congo si rasmi ah ugu biirtay EAC.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shirkii isbeddelka cimillada ee shalay la soo gabagabeeyay ka sheegay in dowladda Kenya ay qorsheynaysa in meesha laga saaro dal ku galka lagu xiro dadka ka imaanaya waddamada kale.