Dowladda dhexe ayaa sheegtay in qorshuhu uu yahay in bisha 12-aad ee Diseembar ee sanadkan dadweynaha la siiyo tallaalka looga gaashaaman karo furuq daanyeerka Mpox.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr.Patrick Amoth ayaa shir jaraaid oo uu maanta qabtay ka sheegay in Kenya ay heli doonto 2 milyan oo ah daawooyinka caabuqan oo ay keenaysa shirkadda daawooyinka soo saarta ee dalka Denmark ee Nordic .
Waxaa uu cadeeyay in dowladdu marka ay tallaalka bixinaysa ay mudnaan siin doonto kooxaha nugul sidii ay xaaladdu ahayd xilligii Covid-19 .
Amoth ayaa carrabka ku adkeeyay in xarunta qaaradda Afrika u qaabilsan xakameynta iyo ka hor tagga cudurrada ay sheegtay in qaaraddu ay u baahan tahay 10 milyan oo ah daawooyinka tallaalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in shirkadda Nordic ay Kenya u xaqiijisay in bisha 12-aad ee sanadkan waddanka ay soo gaarsiin doonto 2 milyan oo daawooyin ah.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegay in dowladdu ay xoojisay dadaallada la xiriira kormeerka laga sameynaya meel kasta oo Kenya laga soo galo.
Sidoo kale , waxaa sare loo qaaday tababbarada la siinaya saraakiisha caafimaadka si ay cudurkan u aqoonsadaan oo ay u daaweeyaan.
Waxaa uu xusay in dowladdu ay ilaa afar shaybaar ugu talagashay in lagu baaro kiisaska furuq daanyeerka mpox.
Dr. Amoth ayaa sheegay in ay jiraan 100 sheybaar oo dheeraad ah oo la adeegsan karo haddii loo baahdo.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dadweynaha u xaqiijisay in la diyaariyay kooxo si degdeg ah u falcelinaya si loola tacaalo kiisaska caabuqan ee laga shakiya.
Waxay wasaaraddu xaqiijisay in ilaa iyo hadda baaritaano lagu sameeyay 300,000 oo socoto ah .
Waxaa jiray 29 qof oo caabuqa Mpox looga shakiyay balse markii la baaray , dhammaantood waa laga waayay.
Wasiiradda caafimaadka ee dalka Dr. Deborah Barasa ayaa dhankeeda sheegtay in baaritaannada lagu sameynaya sheybaarrada qaran ee wasaaradda caafimaadka ee (NPHL) iyadoo la kaashanaya maamullada sida machadka sameeya cilmi baarista caafimaad ee dalka ee KEMRI.
Waxay intaasi ku dartay in dowladaha ismaamullada ay sidoo kale xoojiyeen siyaabaha falcelinta degdegga ah iyadoo ay hadda shaqeynayaan ilaa 25 xarumood.
Dr. Deborah Mlongo Barasa wasiiradda caafimaadka ee dalka , xoghayaha wasaaradda caafimaadka Mary Muthoni iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Patrick Amoth ayaa sidoo kale kormeer ballaaran ku sameeyay xarumaha muhiimka ah sida isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi ahna guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha barasaabyada dalka ee CoG Muthomi Njuki ayaa dhankiisa dadweynaha ku boorriyay in ay taxaddar muujiyaan oo ay u hoggaansamaan tilmaamaha saraakiisha caafimaadka.
Waxaa uu sheegay in ismaamullada ay si dhow ula shaqeynayaan dowladda sare si caabuqa Mpox looga hor tago haddii uu dalka ka dillaacana loo xakameeyo faafidiisa.
Tani ayaa timid ka dib markii toddobaadkii hore , Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo xarunta Afrika ee xakameynta iyo ka hor tagga cudurrada ee Africa CDC ay ku dhawaaqeen in cudur sidahan uu yahay xaalad caafimaad oo degdeg ah.