Kenyaanka oo qaatay amaah dhan 7 bilyan oo shilin

0
291

Shacabka iska diiwaangeliyay sanduuqa horumarinta ganacsiyada yaryar ee Hustler Fund ayaa ilaa iyo hadda qaatay lacago deyn oo ah ku dhawaad 7 bilyan oo shilin.
Amaahda ay kenyaanka dib u bixiyeen ayaa gaaraysa 854,966,087 oo shilin.
Dowladda ayaa sheegtay in tirada dadweynaha ee barnaamijkan iska diiwaangeliyay ay tahay 14.5 milyan oo qof.
Sanduuqa Hustler Fund ayaa ka mid ah barnaamijyada maamulka madaxweyne William Ruto waxaana la daahfuray 30-kii bishii hore.
Ujeeddada laga leeyahay qorshahan ayaa ah in ganacsatada yaryar ay helaan taageero dhaqaale iyagoo sanadkii bixinaya lacag dulsaar oo ah boqolkiiba 8.