Kenyaanka oo loogu baaqay midnimo

0
166

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa shacabka ku boorriyey in ay ku dadaalaan xoojinta midnimada iyo nabad galyada xilli uu waddanka ku jiro xaalad baroordiiq qaran ah ka dib geeridii ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.
Waxaa uu dadweynaha kula taliyey in ay tixgeliyaan farriintii Raila ee muddada dheer ku saleysnayd dulqaad iyo iskuduubni qaran.
Senatarka ismaamulka Siaya Oburu Odinga ayaa dhankiisa sheegay in la xusaya nolosha mas’uul sare.
Waxaa uu kenyaanka u xaqiijiyay in caafimaadka Raila Odinga uu wanaagsanaa ilaa xilligii ugu dambeeyay oo uu wadnaha istaagay.