Shacabka ku nool gobollada kala duwan ee dalka ayaa loogu baaqay inay u diyaar garoobaan cunno yari daran oo soo wajihi doonto, iyadoo la filayo in dhibaatadan ay ka sii darto inta u dhexeysa bilaha October iyo December ee sannadkan.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Integrated Food Security Fase Classification (IPC), yaraanta ayaa la filayaa inay saamayso in ka badan laba milyan oo Kenyaan ah, gaar ahaan kuwa ku nool gobollada dalka oommanaha ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in ilaa 1.8 milyan oo Kenyaan ah ay hadda la daalaa dhacayaan cunto yari, iyadoo 11 boqolkiiba tiradaas oo ah ilaa 179,000 oo qof ay soo food saartay cunto yari aad u daran.
Ismaamullada ay aadka u sameyn doonto cunna yarida ayaa ku kala yaalo gobolka Waqooyi Bari, oo ay ku jiraan Mandheera, Isiolo, Gaarisa iyo Baringo, iyadoo IPC ay muujisay carruurta inay yihiin kuwa ugu nugul khatarta.
IPC ayaa waxaa ay daaha ka qaaday in 919,938 oo carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 6 bilood iyo 4 sano ay la ildaran yihiin nafaqo xumo ba’an.
Ururka caalamiga ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in 109,462 haween uur leh oo ku nool dalka oo dhan ay la ildaran yihiin cunto yari.
Xaaladdan ayaa waxaa sii xumeeyay go’aanka dowladda Mareykanka ay ku jartay cunnada muhiimka ah ee la siin jiray bulshada ay dhibaatadu saameysay.
Arrintan ayaa sida khabiirada ay sheegeen ugu wacan tahay wax soo saarka dalagga oo yaraaday.
Iyadoo inta badan dadka Kenyaanka ah, gaar ahaan kuwa ku nool dhulka miyiga ah ay ku tiirsan yihiin tabcashada beeraha si ay cunto u helaan, ayaa waxaa la filayaa in gabaabsigu uu sare u qaado qiimaha cuntada.