Xoghayaha arrimaha qurba joogta ee dalka Roseline Njogu ayaa digniin u dirtay shacabka doonaya in ay fursado shaqo ka raadsadaan waddamada Thailand , India iyo Malaysia.
Waxay sheegtay in dowladahan ay la daala dhacayaan xallinta shaqo la’aan uu heerkeedu sarreeya sidaasi awgeedna dadweynaha laga doonaya in ay ka feejignaadaan fursadaha lagu marin habaabinaya in ay dalalkaasi uga furan yihiin.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay kordheen shakhsiyaadka sheeganaya in ay dadka fursado shaqo uga heli karaan waddamadan iyadoo xubnaha bulshada ee aan digtoonayn ay ku dambeeyaan in la tahriibiyo.
Xoghayaha ayaa muwaadiniinta ku boorrisay in ay dowladda ku soo wargeliyaan xeeladahan shaqaaleysiinta.
Waxay sheegtay in dadka sidan lagu duufsado ay la kulmaan jirdil daran iyo tacaddi galmo.
Roseline Njogu ayaa kenyaanka doonaya in ay qurbaha u shaqo tagaan ugu baaqday , inta aynan dalka ka safrin ka hor in ay helaan dal ku gal ama oggolaansho shaqo.
Sidoo kale , waxaa shaqooyinka bannaan laga xaqiijin karaa xafiiska qaabilsan arrimaha qurbajoogta ee dalka.
Njogu ayaa hoosta ka xarriiqday in qof kasta oo kenyaan ah oo dibadda ka shaqeeya haddii uu dhibaato la kulmo laga doonaya inuu la xiriiro safaaradda ama qunsuliyadda ay Kenya halkaasi ku leedahay si loo caawiyo.
Home Wararka Kenya Kenyaanka oo lagu wargeliyay in aynan shaqooyin uga bannaanayn Thailand, India iyo...