Kenyaanka oo lagu wargeliyay in ay isku diyaariyaan roobab la filayo maalmaha nagu soo aaddan

0
576

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynayo in toddobadka nagu soo aaddan laga bilaabo maalinka Axadda ay roobab ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka.
Waaxda ayaa bayaan ay soo saartay galinkii dambe ee shalay ku sheegtay in meelaha la filayo in roobaabka saameeyaan ay kala yihiin deegaanada ka ag dhow harada Victoria, galbeedka buuraleyda gobolka Rift Valley, bartamaha iyo Koonfurta Rift Valley.
Ismaamullada ay waaxdu saadaalisay in ay roobab ka da’i doonaan waxaa ka mid ah Siaya, Kisumu, Homabay, Migori, Kisii, Nyamira, Trans nzoia, Baringo, Uasin Gishu, Elgeyo-Marakwet, Nandi, Nakuru, Narok, Kericho, Bomet, Kakamega, Vihiga, Bungoma iyo Busia .
Waaxda KMD ayaa sheegtay in meelaha qaar ay subixii qorax ka jiri doonto halka galabkii ilaa fiidki roobab ay da’i doonaan.