Kenyaanka oo lagu boorriyay inay sii wataan howlahooda caadiga ah

0
193

Madaxa waaxda adeegga bulshada sidoo kalena ah guddoomiyaha golaha ka talo bixiya amniga wadanka , Joseph Kinyua ayaa dadweynaha ugu baaqay maadaama laga gudbay doorashadii guud inay si caadi ah u sii wataan shaqooyinkooda iyo ganacsiyadooda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in si guud ammaanka dalka uu yahay mid deggan.
Tani ayuu xusay in lagu saleeyay qiimeyn ay sameyeen.
Kinyua ayaa dadweynaha uga mahadceliyay inay degganaansho muujiyeen maalmihii lagu guda jiray tirinta iyo xaqiijinta codadkii la dhiibtay 9-kii bishan.
Waxaa uu intaasi ku daray in tallaabada guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu ku shaaciyay natiijada madaxtinnimo ay tahay mid horseedaysa geeddisocodka xil isku wareejinta.
Madaxa waaxda adeega dadweynaha ayaa shacabka u xaqiijiyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay sugidda ammaanka xilligan kala guurka.