Xarunta qaran ee qaabilsan la dagaallanka argagixisada ee NCTC ayaa dadweynaha ku boorrisay inay nabad galyada iyo wadajirka ku dadaalaan oo ay ka hor tagaan wax kasta oo wax u dhimaya xasilloonida.
Shacabka ayaa lagula taliyay inay ka qayb qaataan dadaallada xoojinta nabadda ee bulshada dhexdeeda si looga wada badbaado khatarta xagjirnimada rabshadeysan ee (VE).
Xarunta NCTC ayaa baaqan dirtay iyadoo shalay caalamka laga xusaya maalinta adduunka ee ka hor tagga xagjirnimada rabshadeysan iyo argagixisannimada.
Xaruntan ayaa sheegtay inay dhaqan gelinaysa istaraatiijiyad qaran oo ka dhan ah xagjirnimada tani oo dhamaan qaybaha bulshada looga qayb gelinaya cirib tirka dhibaatadan.