Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa shacabka ku boorrisay inay biyo badan cabbaan maadaama lagu jiro xilli kuleyla ah.
Waaxdan ayaa dadweynaha kula talisay inay u diyaar garoobaan heerkul sare oo ah in ka badan 30°Celcius.
Saadaashan ayaa la adeegsanaya laga billaabo maanta ilaa 26-ka bishan labaad.
Ismaamullada la filaya in heerkul sare laga dareemo waxaa ka mid ah Turkana, Samburu, Marsabit, Mandera, Wajeer, Isiolo, Garissa, Tana River, Lamu, Kilifi, Mombasa, Kwale, Taita Taveta, Kajiado, Makueni, Kitui, Machakos, Nairobi, Kiambu, Embu, Laikipia, iyo Baringo .
Hasa ahaate meelaha uu heerkulkoodu ka hooseyn karo 25°C waxaa ka mid ah Meru, Tharaka Nithi, Murang’a, Nyeri, Nyandarua, Nakuru, Elgeyo Marakwet, Trans Nzoia, iyo West Pokot .