Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa shacabka dareemaya astaamaha hergabka kula taliyay inay qaataan afxirka ama maaskarada oo ayna iska baaraan cudurka COVID-19.
Oguna ayaa qof kasta oo qufacaya ama hindhisoonaya si gaar ah marka uu ku sugan yahay goobaha dadweynaha xusuusiyey inay mas’uuliyad ka saaran tahay badbaadada dadka kale.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in la adeegsado tallaabooyinka ka hor tagga sida afxirka iyo baaritaannada COVID-19 maadaama ay xaaladaha cudurka maalmahan kordheen.
Hadalka Oguna ayaa imaanaya ka dib markii khuburrada dhanka shaybaarrada ay dowladda kula taliyeen inaynan is-dhigan oo ay sii wado baaritaan wadareedka ka dhanka ah caabuqa corona.
Guddoomiyaha ururka ay dhakhaatiirtan ku mideysan yihiin ,Safari Kalu ayaa sheegay in macluumaadka maalinlaha ee ay shaaciso wasaaradda caafimaadka ee dalka ay yihiin kuwo lagu saleeyo tiro kooban sida dadka safraya ama maxaabiista laga wareejiyo goobaha kala duwan.