Kenyaanka badankooda oo walaac ka muujinaya xaaladda dhaqaale ee dalka

0
618

Warbixin ay soo saartay shirkadda cilmi baarista ee TIFA ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 64 ee shacabka ay aaminsan yihiin in xaaladda dhaqaale ee waddanka ay sii xumaatay tan iyo markii uu madaxweyne William Ruto hoggaanka la wareegay sanadkii 2022-kii.
Darasaadkan ayaa la sameeyay bishii hore ee August ilaa bishan Sagalaad ee September waxaana lala barbardhigay midkii bishii Shanaad ee May ee sanadkan.
Dadweynaha xilligaasi walaaca ka muujinayay xaaladda dhaqaalaha ee qaranka ayaa lagu sheegay boqolkiiba 54.
Tirada dadweynaha ee dareemaya in xaaladdoodu ay wanaagsanaatay oo horay ahayd boqolkiiba 29 ayaa hadda ah boqolkiiba 24.
Sidoo kale , madaxa fulinta ee shirkadda daraasaadka ee TIFA,Maggie Ireri ayaa sheegtay in boqolkiiba 64 ee dadweynaha la wareystay ay ka soo horjeedaan maamulka dowladeed ee la ballaariyay ee lagu soo daray xubnaha ODM.
Dhanka kale , waxay sheegtay in tirada shacabka ee nidaamkan taageersan oo horay ahayd boqolkiiba 22 in hadda ay tahay boqolkiiba 29.